COVID-19 |

Aan Wada Xiriirno – Wadahadalka Fogaan araga Muhiimka u ah Bulshada oo ku saabsan COVID-19

Aan ka wada xiriirno wax ku saabsan COVID-19 iyo saameynta uu ku leeyahay bulshada naafada ah. Ku soo biir xubnaha ururka Minnesota Consortium for Citizens with Disabilities iyo Waaxda Caafimaadka ee Minnesota macluumaad muhiim ah oo ku saabsan cudurka faafa ee COVID-19, tallaalada, iyo helitaanka daryeelka caafimaadka.

Dhammaan dhacdooyinka waxay lahaan doonaan ASL iyo CART, iyo sidoo kale luuqada Hmong, Soomaali, iyo Ishbaanishka.

Aan Wada Xiriirno: Faa’iidooyinka la kordhiyay/xoojiyay

Isniinta, Nofeember 21, Waqtiga: 11:30 – 1:00

Halkaan iska diiwaangeli: https://bit.ly/3UdJ0WI 

Ma ogtahay in uu jiro xoojiye cusub oo COVID-19 ah oo loogu talagalay carruurta iyo dadka waaweyn? Waxay kaa caawin kartaa ka hortagga jirooyinka halista ah ee noonce omicron. Wixii ku saabsan xoojinta laba geesoodka ah iyo sida ay u shaqeyso ka baro khubarada MDH-ka. Jawaab u hel su’aalahaaga, oo hel macluumaad aad la wadaagto bulshadaada.

Aaan Wada Xiriirno – Arimaha Xogta: Xiritaanka Farqiga Xogta Naafada

Talaado, Deseembar 6, Waqtiga: 11:30 – 1:00

Halkaan iska diiwaangeli: https://bit.ly/3SSplKw

Waaxda Caafimaadka ee Minnesota waxay qaadanaysaa heerarka xogta ee naafonimada markii ugu horeysay. Waxaan rabnaa inaan wadaagno qaar ka mid ah xogta curyaannimada aasaasiga ah ee ku saabsan COVID-19 iyo qorshaheena mustaqbalka si aan u soo aruurino xogta caafimaadka ee ku saabsan dadka naafada ah. La wadaag jawaab-celintaada oo kala hadal wixii caqabadaha ama fikradaha ah MDH-yada waa inay tixgeliyaan.

Casharka 3aad: Helitaanka Talada ee Daryeelka Caafimaadka COVID-19

Isniinta, Deseember 19, Waqtiga: 11:30-1:00

Halkaan iska diinwaangeli: https://bit.ly/3Ds2yzT

Iyada oo lala kaashanaayo MDH, Arc Minnesota iyo Multicultural Autism Action Network waxay ka shaqeynayaan baaritaanka COVID-19, daawaynta, iyo helitaanka tallaalka. Ku soo biir casharkaan si aad u hesho sheekooyin bulsheed cusub oo loogu talagalay tallaalka ay dowladda maamusho iyo goobaha lagu baaro oo laguna daaweeyo. La wadaag fikradahaaga iyo khibradaada ku saabsan qaabab kale ee lagu hagaajinaayo helitaanka daryeelka caafimaadka COVID-19.